Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa joojisay fiisaha dal ku galka dalka Sudan kadib markii ay bateen dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tahriibeysa Soomaaliya ee sii maraya dalka Sudan.
Hayada Socdaan iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa shaacisay in la joojinayo fududeynta Visaha dal ku galka Sudan si ay qeyb kaga noqoto barnaamijka lagu yareynayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tahriibaya dalkooda.
Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya Gan Gaafow oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka xun tahay dhibaatadii gaartay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tagay dalkooda.
“Waxaan ka Xunahay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Gaaraya ilaa 400 ee Ruux ee ku dhamaaday Badda u dhexeysa Afrika iyo Yurub,waxaa ay na soo xasuusineysa waxii dhacay 91-dii waxaan ku dadaaleynaa in aan badbaadino Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Badda ku dhamaanaya”ayuu yiri Janeraal Gaafow.
Taliyaha ayaa ka dalbaday maamulada Somaliland iyo Puntland dhankooda iney hubiyaan dadka qaadanaya Visaha ayna u ogolaan dhalinyarada iney Sudan aadaan oo aysan helin Visaha dal ku gal dalkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

