25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Sawirro shaki muujinaya oo diyaaraddii Daallo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay waxyeelada ka dhalatay dab aan badneyn oo ka kacay diyaarada Daallo Airline oo lasoo dajiyay xili ay hawada ku jirtay, kadib markii garabka midig ee diyaarada meel ka sareyso dab ka kacay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa ka hadlay Diyaarad ay leedahay Shirkadda Duulimaadka Daallo Arline oo maanta uu dab ka kacay Xilli ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde.

Wasiir Jangali ayaa sheegay in Diyaaradda ay Daqiiqado ka hor inta uusan dabku ka kacin ay ka duushay Garoonka Aadan Cadde islamarkaana waxyar kadib uu dabku ka kacay  si nabad galyo ahna ay Garoonka ugu soo tagatay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in la wado Baaritaan ku aadan waxa Sababay Dabka ka kacay Diyaarada oo la shaacin doono Waxii soo baxa hadii ay Cilad tahay iyo hadii Arrin kale tahay intaba.

Diyaarada waxaa saarnaa 74 ruuxoo rakaab ahaa waxayna kusii jeeday dalka Jabuuti.

12662629_1048173571871710_7636860301777222104_n 12670147_1048173608538373_362102230432557429_n diyaarada-duleelsamatay

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News