DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday caasimadda Gobollada Dhexe iyo goorta uu shirka furmayo

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, oo maanta tagay magaalada Dhuusomareeb ayaa ku dhawaaqay caasimada gobolada dhexe iyo goorta uu furmayo shirka.

Xasan Sheikh Maxamuud, oo kulamo gaargaar ah a qaatay waxgaradka magaaladaasi ayaa sheegay in caasimada gobolada dhexe ee dalka ay tahay magaalada Dhuusomareeb ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in maalinta sabtida ee soo socota magaalada Cadaado uu ka furmayo shirka maamulka loogu sameynayo gobolada dhexe ee dalka.

Kulamada aya qaatay muddo saacado ah, waxaana odayaasha lag dhaadhicinayay iney aqbalaan shirka in lagu qabti magaalada Cadaado, walow markii dambe lagu qanciyay.

Dhanka kale Wafuud kala duwan oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa la filayaa in caawa ilaa beri ay tagaan magaalada Cadaado si loogu sii diyaar garoobo shirka oo sabtiga furmayo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa maalinta beri ah ka safraya magaalada Dhuusomareeb, waxaana caawa kasii hor maraya ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
Caasimada@live.com