27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

DF oo ku dhawaaqday go’aan saameynaya shacabka kahor…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday go’aan culus oo saameynaya shacabka, sidoo kalena la xiriira doorashada qof iyo codka ah ee Khamiista ka dhaceysa magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in maalinta Khamiista la xaddidi doono guud ahaan dhaq-dhaqaaqa caasimadda, si dadku nabadgalyo ugu codeeyaan doorashooyinka la filayo in ay ka bilowdaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulan uu Taliyaha Boolisku isugu yeeray dhammaan saraakiisha hoggaannada, qaybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayuu ku faray in si adag loogu diyaargaroobo doorashada dadweynaha ee la qorsheeyey.

Sidoo kae Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa diyaargarow xooggan ugu jira sugidda amniga doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyadoo laga taxaddarayo khataro amni oo lagu carqaladeyn karo geeddi-socodka doorashada.

Lixda Aroornimo (6:00 AM) ilaa lixda Maqribnimo (6:00 PM) waqtiga Maxaliga ah ayay soconaysaa codeynta doorashada, waxaana suuragal ah in ay waqti kusii darsato maadaama safafka meelaha qaar dheeraan karaan, sida uu sheegay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Tallaabooyinkan waxaa kasoo horjeeda Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka oo bannaanka ka jooga hawlaha doorashooyinka ee ay hormuudka u tahay Villa Somalia.

Shir ay xubnahan ku yeesheen magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa waxa ay isku raaceen haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyada ay u direen in iyana ay guda gali doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.

Si kastaba, doorashada golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah, maadaama ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee si toos ah ay dadweynuhu cod ugu dhiibtaan muddo ka badan 50 sano.

- Advertisement -

Read more

Local News