31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Ciidankii u badnaa oo loo diyaariyay hirgelinta qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad 10,000 askari oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa loo diyaariyey sugidda amniga doorashooyinka golayaasha deegaanka, sida ay xaqiijiyeen hay’adaha amniga Soomaaliya.

Doorashada golaha deegaanka oo muran badan ka taagan yahay ayay weli qabashadeeda ku adkaysanaysaa Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo loo muddeeyey 25-ka bishan December.

Booliska ayaa haatan dhammeystiray qorshayaasha amni ee lagu xaqiijinayo in doorashadu u dhacdo si nabdoon, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadu ay mas’uul ka noqon doonaan sugidda amniga codbixiyeyaasha, goobaha codbixinta iyo shaqaalaha doorashada.

“Booliska Soomaaliyeed waa kuwo u diyaarsan, awoodna u leh inay sugaan amniga doorashooyinka; dhammaan diyaargarowgii loo baahnaa waa la dhammeystiray,” ayuu yiri Wasiirku.

Dhinaca kale, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in maalinta Khamiista la xaddidi doono guud ahaan dhaq-dhaqaaqa magaalada Muqdisho, si dadku nabadgalyo ugu codeeyaan doorashooyinka la filayo in ay ka bilowdaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulan uu Taliyaha Boolisku isugu yeeray dhammaan saraakiisha hoggaannada, qaybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayuu ku faray in si adag loogu diyaargaroobo doorashada dadweynaha ee la qorsheeyey.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa diyaargarow xooggan ugu jira sugidda amniga doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyadoo laga taxaddarayo khataro amni oo lagu carqaladeyn karo geeddi-socodka doorashada.

Si kastaba, doorashada golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah, maadaama ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee si toos ah ay dadweynuhu cod ugu dhiibtaan muddo ka badan 50 sano.

- Advertisement -

Read more

Local News