DF oo ku dhawaaqday inay doorashooyin ka qabaneyso Jubaland iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo bixiyay wareysi xasaasi ah oo uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, taasoo ay Villa Soomaaliya qorsheyneyso inay dalka ka qabato, si awoodda loogu celiyo shacabka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo wax laga weydiiyay muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka ayaa sheegay in dadaal ballaaran uu socda, isla markaana xal laga gaari doono. Wuxuu xusay in xitaa maamullada Jubbaland iyo Puntland, oo haatan diidan qorshaha Villa Soomaaliya, ay ugu dambeyn ka qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah, sida uu hadalka u dhigay.

Axmed Macallin Fiqi ayaa intaasi ku daray in laga gudbi doono nidaamkii hore ee caqabadda badnaa, dalkana ay ka dhici doonto doorasho daah-furan oo cadaalad ah.

“Waa laga gudbayaa nidaamka is addoonsiga ee qof maamul-goboleed jooga saf loo galo, shacabkana rahmad uma haysan karo. Doorashada way ka dhici doontaa Puntland iyo Jubbaland,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu farriin culus u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inay ku kalsoonaadaan dowladdooda, ayna u diyaar garoobaan doorashooyinka soo socda.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay haatan ku jirto xaalad jahawareer siyaasadeed ah oo ka dhashay hannaanka doorashooyinka, kaas oo weli isku fahmi la’ yihiin madaxda dowladda, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar kamid ah madax-goboleedyada dalka.