Amman (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgashay Shirweynaha Iskaashiga Dhijitaalka iyo Horumarinta 2025, oo ka furmay magaalada Camaan ee dalka Jordan.
Shirkan, oo ay Soomaaliya ku matalayay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda, Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Guddiga Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Qaramada Midoobay (ESCWA) iyo Jaamacadda Carabta, iyagoo kaashanaya Wasaaradda Dhaqaalaha Dhijitaalka iyo Horumarinta ee Jordan.
Shirka, oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada Isgaarsiinta ee dalalka Carabta, ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista ajendaha dhijitaalka ah ee Carabta 2023-2033, iyadoo laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka tiknoolojiyadda, is-weydaarsiga aqoonta, iyo dadaallada lagu horumarinayo dhijitaleynta gobolka.
Intii uu socday shirka, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda ee Soomaaliya, Maxamed Soomaali, ayaa ka hadlay doorka ay Soomaaliya ka qaadanayso horumarinta dhijitaalka, isagoo iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso kaabayaasha isgaarsiinta casriga ah, la dhiirrigeliyo hal-abuurka tiknoolojiyadda, iyo in la sameeyo xeerar fududeynaya koboca dhaqaalaha dhijitaalka ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale la yeeshay kulamo gaar gaar ah dhiggiisa wadamada kale, si loo xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee lagu horumarinayo adeegyada isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda ee Soomaaliya.
Shirkan ayaa fursad muhiim ah u ah dalalka Carabta si ay u xoojiyaan wada-shaqeynta dhinaca dhijitaalka, loona xalliyo caqabadaha taagan, iyada oo la horumarinayo qorshayaal mustaqbalka fog ah oo ku aaddan horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.