Qaraxyo ay Al-Shabaab u soo waday Muqdisho oo laga hortagay – Sidee?

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana lala eegtay xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeymaha oo bartilmaameed ahaa ayaa ka dhacay afar deegaan oo kala ah Hawaay, Sablaale, Xaramka, iyo Arbacoow oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana khasaare culus lagu gaarsiiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta ka dhacday Hawaay lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qaraxyo waday, kuna soo jeeday magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka war heleen diyaaradaha dagaalka, kadibna ay ku dhufteen gantaallo culus.

Sidoo kale, duqeynta ka dhacday Sablaale ayaa lagu khaarijiyay xubno u badan ajaaniib ay kooxda u diyaarisay inay ka qayb qaataan dagaallada culus ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo intooda badan lagu laayay goobta lagu duqeeyay.

Waxaa kale oo la beegsaday horjoogayaal kale oo ku sugnaa deegaannada Xaramka iyo Arbacoow, oo iyaguna loo gaystay khasaare culus, kadib markii ay beegsadeen diyaaradaha xalay duqeymaha safmar ah ka fuliyay deegaannadaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in weeraradan dhanka cirka ah lagu dilay xubnihii ugu badnaa oo isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad, ayna gaareyso tirada dhimashada illaa sodomeeyo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana burbur xooggan laga dareemayaa afarta deegaan ee ay duqeymaha ka dhaceen, balse lagama heli karo xogo sugan, maadaama ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab oo inta badan qariya khasaaraha kasoo gaara weerarada cirka ah.

Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xooggan tahay kooxda, waxaana badanaa ka dhaca weeraro culus oo lagu beegsado maleeshiyaadka argagixisada, oo iyaguna beegsada saldhigyada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka AUSSOM.