Beelaha HAWIYE oo DF SOMALIA siiyay talo ay kaga aar gudsan karto Kenya

Muqdisho(Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Hawiye ayaa ka hadlay talabada dowlada Kenya ay ku qabqabaneyso shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii ee dalka Kenya.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa tilmaamay in dowlada Kenya ay caqabad ku noqotay ganacsiga dadka Soomaaliyeed ee Islii, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay raafka Dowladda Kenya ay ku hayso dadka Soomaaliyeed.

Nabadoon Xaad ayaa Dowladda Kenya tallo ahaan usoo jeediyay in hadii Dowladda Kenya ay dhowri weysay saaxiibtinimada iyo xiriirka labada Dowladood, Dowladda Soomaaliya looga fadhiyo inay ka qaadato go’aan rasmi ah oo ku aadan ciidanka Kenya ka jooga Soomaaliya.

“Hadii Kenya ay ilaalin weyso saaxiibtinimada iyo xiriirka labada dowladood iyo Afrikaanimada ila ma’ahan in Dowladda ay ka aamusnaato, waxaan usheegaynaa Dowladda inay go’aan ka qaadato ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga”Ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay go’aan ka qaataan Dowladda Kenya, maadaama Kenya aysan unaxariisaneyn Shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiintooda.

Raafka Kenya ka socda ayaa cirka sii galay, kadib markii Qunsulkii Soomaaliya ee Safaarada Kenya ay xireen ciidamada ammaanka Kenya, kaasi oo xitaa ay ku tixgelin waayeen sharciga iyo Diplumaasiyada.

Habeen hore ayeey aheyd markii haweenay Soomaaliyeed oo uur leh ay kasoo dhacday Dabaq saddex Biyaano ah, xilli ay ka dhuumanaysa raafka ciidamada Dowladda Kenya ay islii kawadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com