Xog: Abaanduulaha ciidamada xoogga iyo wasiir kusoo fashilmay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Abaanduulaha ciidamada Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi iyo wasiir ku xigeenka isgaarsiinta Axmed Cali Salaad Taako ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Kismaayo halkaasoo ay ka wadeen qorshe hubka looga dhigayo ciidamada ku sugan deegaanka Goobweyn.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wasiir ku xigeen Taako iyo abaanduulaha ciidamada ay isaga soo huleelayaan Kismaayo, kuna laabanayaan Magaalada Muqdisho, kadib markii ay ku fashilmeen qorshaha lagu doonayey in lagu soo xareeyo ciidama ku sugnaa deegaanka Goobweyn oo ah ciidamadii deegaanka ee taabacsanaa dawlada federaalka ee sanadkii hore dagaalka looga saaray magaalada Kismaayo.

Wasiir ku xigeenka iyo abaanduulaha ciidamada ayaa mudooyinkan ku sugnaa magaalada Kismaayo, waxaana warar aan ka heleyno ilo wareed ku sugan Kismaayo ayaa xaqiijinaya in qorshaha joogitaanka saraakiishan uu ka dambeeyo R/W C/weli Sheekh Axmed oo isaga laftiisa dhowaan tagay Kismaayo.

Fashilka ayaa ka dambeeyay markii ciidamadii joogay Goobweyn iyo saraakiishooda ay diideen inay hubkooda wareejiyaan, ayna gudaha u galaan Kismaayo. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in lacago fara badan loo ballanqaaday qorshahan hubka looga dhigayo ciidamadan laguna doonayey inay Kismaayo ku xaroodaan iyagoo sacboolay ah.

Arrimaha dib u heshiisiinta Kismaayo ayaan weli fari ka qodneyn, sida ay qabaan dad badan oo ku xeeldheer arrimaha gudaha, waxaana caqabada ugu weyn ay ka taagan tahay colaad beeleedka oo aan weli la xallin iyo boqollaalkii ka barakacay Kismaayo oo deegaankoodii iyo hantidoodii la boobay oo aan weli laga hadlin.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com