Cabdi Baaley oo si aan laga fileyn uga hadlay saaxiibkiis Col. Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdi Baaleey oo xilli ka mid ahaa raga madaxweynaha Jubaland sheegtay ee dagaalka adeg la galay Axmed Madoobe balse markii danbe inta laga itaal roonaaday loo musaafuriyey magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu iminka kusoo noqday Kismaayo, iyaddoo uu xil guddoomiyaha dib u hishiisiinta u magacaabay Axmed Madoobe.

Cabdi Baaleey oo xilligiisii mucaaradnimada xulufo lahaa Wasiirkii hore ee gaashaandhiga dowlada Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha nabada iyo midnimada Jubbooyinka Col, Barre Hiiraale ayaa iminka waxaa uu kasoo horjeedaa fikirkiisii hore ee ahaa in sida loo dhisay maamulka Jubba qaldan yahay islamarkaana hadda ah nin taageero u haya maamulkaasi.

Cabdi Baaley waxa uu sheegay inay baryahan ka shaqeynayeen dib u hishiisiinta dadka wada deggan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, inkastoo uu carabkiisa ku ballaariyey inaysan jirin beelo dagaalsan, haddana isla wareysiga ayuu ku sheegay inay beelaha SADE IYO KABLALAX hishiiseen, taasi oo ka hor imaaneysa hadalkiisa ah inaysan beelo dagaalsaneyn.

“Waxaa hishiiyey beelaha Sade iyo Kablalax. Waxaana ay arrintaasi qeyb ka tahay dadaalada dib u hishiisiineyd ee aan aniga ugu qaabilsanahay maamulka Jubba, kadib markii Axmed Madoobe igu magacaabay wareegto. Xaqiiqaduse waxay tahay inaysan jirin beelo dagaal uu ka dhexeeyo” ayuu yiri Cabdi Baaleey oo Kismaayo ku sugan, halka ciidankiisa qaar ka mid ah ay Barre Hiiraale la joogaan.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayey inuu xirir toos ah la sameeyey Col, Barre Hiiraale oo ay xulufo ku ahaayeen la dagaalanka maamulka Axmed Madoobe oo ay dartiis dad badan ku naf waayeen ayuu sheegay inaysan wada hadlin, balse waxaa uu intaasi raaciyey inuu Col, Barre Hiiraale qasab ku tahay inuu aqbalo maamulka Jubba ee Axmed Madoobe iyo dib u hishiisiinta.

” Barre Hiiraale xalka socda waa ku qasab inuu aqbalo. Maxaa yeelay waa mas’uul Soomaaliyeed oo qiimihiisa leh laakiin dib uhishiisiinta iyo ka qeybqaadashada dadka gobolladan degan oo alle u qadaray inay wada degaan waa ku qasab.” ayuu yiri Cabdi Baaleey oo iminka u muuqda nin ay si weyn u kala durkeen dhinaca fikirka Col, Barre Hiiraale.

Marka laga soo tego beelaha Kablalax iyo Sade ma jiraan wax beelo kale ah oo dib u hishiisiin loogu qabtay Kismaayo, taasi oo xaalka magaalada iyo midda maamulka la isku heysto ka dhigeysa mid aan loo dhameyn. Lamana yaqaan waxa ay shacabka kale ee gobollada deggan lagu qancinayo.