Xubno ka tirsan DFS oo wada shirqool ka dhan ah mooshinka iyo Kenya oo..

Wafti Kenyan ah oo ujeedkiisu yahay sidii ay dowladda Soomaaliya uga dhaadhicin lahaayeen inaan waxba laga baddalin suuqa iyo ka ganacsiga Jaadka Soomaaliya, ayaa maanta gaaray Muqdisho.

Beeraaleyda Kenya ee Meru ayaa dadaal xooggan ugu jira inaanu is dhimin dalabka maandoorihaya Jaadka ee suuqa Soomaaliya oo ah midka keliya iminka ay gacanta ku haystaan, waxayna kaashanayaan gacansato iskugu jirta Soomaali iyo Kenyan, kuwaas oo dadaal xooggan ugu jira in suuqa Jaadka ee Soomaaliya aan la xirin.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii mooshin ka dhan ah jaadka Kenya la horgeeyey baarlamanka Soomaaliya.

Xog aynu helnay ayaa sheegeysa in xubno ka tirsan xukuumadda Cabdi Weli ay u ballaan qaadeen inay hor istaagi doonaan mooshinka xubnaha golaha baarlamaanka ay ku doonayaan in lagu joojiyo Jaadka Kenya, maadaama dalka Kenya uu dhibaato aad fool xun ku hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaara ahaan xaafadda Islii ee magaaladda Nairobi.

Kulanka ay xubnaha dowladdu la qaateen ganacsatada iyo beeraaleyda jaadka Kenya ayaa ah mid noqon kara qiyaano qaran, sababtoo ah waxay tani ka hor imaaneysaa danaha dadka Soomaaliyeed, weliba xilligan xasaasiga ah.

Ku dhawaad 72 million oo dollar oo faa’iido ah ayuu dalka Kenya ka helaa maandooriyaha Jaadka ee loo soo dhoofiyo dalka Soomaaliya, halka dadka Soomaaliyeedna ay ka helaan kaliya khasaare dhaqaale, nololeed, qoys iyo caafimaad darro intaba.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay magaaladda Muqdisho ka jirto hadal heyn ku saabsan dood uu baarlamaanka Soomaaliya ka yeelan doono joojinta Jaadka Kenya.

Socdaalka Ganacsatada iyo beeraaleyda Kenya ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli horraantii bishan ay dowladda Ingiriiska dalkeeda ka mamnuucday ganacsiga Jaadka, taas oo sababtay in dhaqaalaha Kenya uu hoos u dhaco, maadaama ay sanadkii ka heli jirtay lacag malaayiin dollar ah.

Mooshinkan baarlamanka horyaalla ayaa tijaabo u ah wadanninimada iyo waxqabadka xukuumadda Somalia.