25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

DF oo la yaaban sababta mucaaradku uga aamuseen doorashada Firdhiye iyo Abwaan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan doorashadii maanta ka dhacday magaalada Laascaanood, halkaas oo lagu doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen rasmi ah, taasi oo maamulka Waqooyi Bari ka dhigeysa mid dhameystiran oo ka baxay kumeel gaarkii.

Shariif, Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo guud ahaan xubnaha Madasha Samatabixinta ayaan wax hambalyo ah ka soo saarin guushii Cabdulqaadir Firdhiye iyo Cabdirashiid Abwaan oo maanta lagu doortay Laascaanood, kuwaas oo la aaminsan yahay inay taabacsan yihiin dowladda federaalka.

Madaxda dalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu horeeyo ayaa hambalyo u diray madaxda ku guuleysatay hoggaaminta dowlad goboleedka cusub Waqooyi Bari Soomaaliya, halka mucaaradku ay ka aamuseen.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa qoraal ka soo saaray aamusnaanta mucaaradka, isagoo dhowr su’aalood hordhigay xubnaha Madasha Samatabixinta.

“Madashii Canbaarta iyo Cambaaraynta isku ciriiri jirtay Maxaa u diiday in ay u soo hambalyeeyaan Dawlad Goboleedka cusub ee madaxdooda doortay?” Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Mise hawshoodu waa cambaar iyo catow oo kaliya !? Mid baa igu yiri biilkaa la iska jaranayaa haddii la galo waxaan la isku ogeyn! Ma fahmin.”

Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa sheegay in Dalku uu horay u soconayo, isla markaana dowlad goboleedka Waqooyi Bari uu yahay ‘faa’ido weyn oo qaranka u soo korortay.’

Madaxweyne Furdhiye iyo ku xigeenkiisa Cabdirashiid Abwaan ayaa ku saaxiibay qadiyadda maamulkaas curdunka ah kala dhaxeysa maamullada Puntland iyo Somaliland oo jiritaankooda aan ogoleyn, waxayna ku soo baxeen iskaashi ay sameeyeen, iyo taageero ay ka heleen dowladda federaalka oo raali ka aheyd inay guuleystaan.

 

- Advertisement -

Read more

Local News