28.6 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Xog: Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay degmo ka tirsan MUDUG

Bookmark
Bookmarked

Share

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen aagga degmada Xarardheere ee gobolkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo dadka deegaanka ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gaaray halkaasi ayaa lasoo wariyay in ay ka kala yimaadeen qaybo kamid ah gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha Al-Shabaab ay fariisimo cusub ka sameysteen bannaanka degmada Xarardheere, iyaga oo kadib halkaas ka bilaabay dhaq-dhaqaaq culus.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa inay isku ballaariso deegaannada hoos yimaada Xarardheere, kadibna ay soo weerarto magaaladaas oo horay looga saaray.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa deegaannada lagu arkay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobolka Mudug, iyada oo laga cabsi qabo inuu dagaal ka dhaco halkaasi.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo ka war helay arrintan ayaa iyaguna isku fidiyay dhammaan waddooyinka soo gala degmada, si ay uga hortagaan is uruursiga Al-Shabaab.

Mid kamid ah saraakiisha hoggaamineyso ciidamada ayaa sheegay inay soo gaartay xogta Al-Shabaabka ku sugan halkaasi, balse waxa uu tilmaamay inay diyaar garoobeen, isla markaana ay difaaci doonaan degmada Xarardheere iyo hareeraheeda.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf ka dhan ah argagixisada, waxaana iska kaashanaya ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Si kastaba, Xarardheere ayaa ah degmo istaraatiji ah oo leh marino muhiim ah, waxaana Khawaarijta laga xoreeyay sanadkii 2023-kii, kadib markii howlgal milatari oo culus ay ku qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Macawiisleyda.

- Advertisement -

Read more

Local News