Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Masar ayaa wada-hadallo cusub ka yeeshay ciidamada ay Qaahira usoo direyso Soomaaliya, ee qeybta ka noqonaya howl-galka nabad ilaalinta.
Wada-hadalladan oo ka dhacay xarunta difaaca Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu dhex maray Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, iyo Col. Axmed Fatxi Cabdelsatar Al-Xusayni, u qeybsanaha arrimaha difaaca ee safaaradda Masar.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay diyaar-garowga ciidamada Masar ee ku soo biiraya howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay kulanka.
Sidoo kale, kulanka intii uu socday waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarrada iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah argagixisada.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar.
Toddobaad ka hor ayey ahayd markii dowladda Masar ay ku dhawaaqday soo geba-gabeynta tababarkii ugu horreeyay ee ciidankeeda ay usoo direyso gudaha Soomaaliya. Ciidankaas oo ku biiraya howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa qaatay tababar heer sare ah oo la xiriira ilaalinta nabadda, iskaashiga caalamiga ah iyo la qabsiga xaaladaha adag ee gudaha Soomaaliya.
Masar ayaa markan si rasmi ah ugu biirtay dalalka taageeraya amniga Soomaaliya, iyadoo cutubyadeeda la diyaarinayo ka hor inta aan loo dirin goobaha howlgalka.
Howl-galka AUSSOM ayaa beddelaya kii hore ee ATMIS, waxaana diiradda la saarayaa dhismaha awoodda amniga Soomaaliya, taageeridda ciidamada qaranka iyo hubinta in kala-guurka amni uu noqdo mid deggan.
Si kastaba, dowladda Masar ayaa muddooyinkii dambe si weyn u danaynaysay kamid noqoshada howlgalka cusub, xilli ay Itoobiya ku sigatay in laga reebo howlgalka, hase yeeshee markiiba waxaa la gaaray isfaham dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

