Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa rabta in deg-deg loo soo xulo xildhibaannada dowlad goboleedka Waqooyi Bari, si loo doorto hoggaanka maamulkan cusub
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh ayaa odayaasha dhaqanka iyo nabadoona maamulka u sheegay in loo baahan yahay in laba maalin kusoo xulaan xildhibaannada dowlad goboleedka.
“Laba beri gudahood ayaa la doonaya inaad soo xushaan xildhibaannada, si ay isaga doortaan qofka ugu wayn, weli si caddaalad ah lagu soo xulo,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.
Soo xulista xildhibaannada kadib ayaa waxaa la guda geli doona doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaysa inay kasoo dhamaato dhameystirka maamulkan cusub, oo si weyn ugu xiran dowladda dhexe, iyadoo soo baxayaan in shaqsiyaad gaar ah u wado hoggaanka maamulka Waqooyi Bari.
Yey wadataa Villa Somalia?
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageeraysa in Cabdulqaadir Firdhiye uu hoggaamiyo maamul goboleedka cusub ee Waqooyi Bari, sida ay sheegayaan illo wareedyo xog-ogaal ah.
Sidoo kale, Musharaxa ay Dowladda Federaalka u xulatay jagada madaxweyne ku-xigeenka maamulka Firdhiye ayaa la sheegay inuu yahay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Jibriil oo ka soo jeeda gobolka Sanaag.
Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in Dowladda Federaalka ay saamayn ku yeelatay xulista ergooyinka si ay u garab siiso Firdhiye iyo Jibriil, iyadoo meesha ka saartay musharrixiintii kale, isla markaana xaddiday loollan siyaasadeed oo dhab ah.
Xildhibaannada la soo xulayo ayaa dooran doona hoggaanka cusub ee maamulkan, waana midda u sahli karta dowladda dhexe inay kursiga saarato ciddii ay rabto, maadaama ay mudaneyaasha soo xulayaab ergooyinka, oo ay hore saameyn ugu yeelatay.