DF ‘oo lumin karta taageerada reer Hiiraan ee dagaalka Al-Shabaab’ + Sababta

Beledweyne (Caasimada Online) – Dadka magaalada Beledweyne waxay maalintii shanaad dhex jiifaan biyo, fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle ayaa sababtay burbur hanti iyo barakac bulsho. Kumanaan dad ah ayaa banaanka uga baxay magaalada oo biyuhu xarqiyeen.

Reer Beledweyne waa umad guryo leh haddana sanad walba isla magaaladoodii barakac ku noqda. Fatahaadan ma geysan illaa iyo hadda sida la sheegay khasaare nafeed oo dadka waxay noqdeen kuwa waaya-arag ah oo waa ka baxsadeen biyaha.

Laakiin hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe wuxuu xaqiijiyay in raashinkii iyo waxyaabihii aas-aasiga u ahaa nolosha bulshada in biyuhu qaadeen, dadkuna ay hadda rafaadsan yihiin. Dadku maalinkii shanaad qoraxda ayay joogaan, habeenkii afaraadna qabowga ayay ku hoydeen.

Gurmad deg deg ah ayay u baahan tahay Beledweyne. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli bixin wax u qalma gurmadka looga baahan yahay Beledweyne, halka maamulka HirShabeelle isaga lagu eedeynayo in uusan keenin xal mustaqbalka ah oo wax looga qabto fatahaadaha soo noq-noqday iyo in aanay xitaa bixin wax digniin ah.

Waxaa jirtay xilli hore oo la isku dayay in xal waara loo helo dhibaatadan soo noq-noqotay laakiin buuq dhaqaale ayaa hareeyay mashruucaas.

Gobolka Hiiraan wuxuu sanadkaan gundhig u yahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, iyada oo dadka sidaas u dhiban yihiin waa adag tahay in reer Hiiraan laga helo garab dagaal xilli loo diyaar garoobayo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, sidaas awgeed waxaa dowladda federaalka la gudboon ayaa la leeyahay in kaalmo xoog leh ka geysato dhibaatada hadda taagan, si ay suurta-gal u noqoto in reer Hiiraan laga helo garab dagaal.

Nin gurigiisa biyo dhex jiifaan, ilmihiisana qorax maalmeedka iyo qabowga habeenkii kula dhibaatoonayaan banaanka Beledweyne, laguma hayn karo furinta dagaalka haddii aanay dowladda deg deg u qaadan masuuliyad ka baaxad weyn inta hadda muuqata ayay leeyihiin reer Hiiraanka raba in jawaab deg deg ah laga bixiyo dhibaatada taagan.

Hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo tegay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ee wax haystaba waxa uu ka codsaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro magaalada Beledweyne.

“Waa dareemi kartaa xanuunka ay leedahay hooyo cunug muluq haysata oo geed hoostiis qorax kula dhaceyso, roobna kula da’ayo oo wax ay siiso haynin haynin xanuunka ay leedahay, waxaa ugu baaqeyna cid kasta oo gacan ka geysan karta ha ka geysato ayaa leenahay,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

“Xaaladda ka jirta Beledweyne waa xaalad adag ee gacan ha laga geysto, si gaar ahna dowladda dhexe ayaa ugu baaqeyna inay arrintaan taagan maanta ay si gooni ah iyo il gaar ah ay ku fiiriyaan.”