Guudlaawe oo qaaday tallaabo la xiriirta xaaladda adag ee ka taagan Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa guddi gaar ah u magacaabay fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka geystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddigan oo madaxweyne Guudlaawe u xilsaaray gurmad deg deg ah in la gaarsiiyo qoysaska uu saameynta xooggan ku yeeshay Wabiga Shabeelle ee karkaarada ku jabsaday xaafadaha magaalada Baladweyne iyo sidii loo gacan qaban lahaa qoysaska barakacay.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Caasho Khaliif Maxamed, halka Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo ah wasiirka wasaaradda amniga gudaha maamulka looga dhigay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

Xubnaha guddigan ayaa waxa uu madaxweyne Guudlaawe kusoo daray guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan, maadaama gobolkaas uu maro Webiga Shabeelle, uuna dhowr jeer fatahaad ka sameeyay deegaano ka tirsan.

Guddigan oo u badan wasiiro ka tirsan xukuumadda dowlad-goboleedka HirShabeelle ayaa waxaa sidoo kale xubin ka ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, si gargaar loogu raadiyo xaaladda adag ee ka taagan magaalada Beledweyne kadib markii ay guryahooda isaga barakaceen dadkii deganaa.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Arbacadii kormeer u kuurgal ah ku sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, iyada oo madaxweynaha iyo masuuliyiin uu horkacayay ay socod ku mareen buundada nuurxawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha magaalada.

Halkaasi oo barakac baahsan uu ka socday maalmihii dame, iyada oo wabiga uu ku fatahay xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha booqday deegaanka Ceeljaale oo ay kusoo barakaceen qeybo kamid ah dadkii deganaa magaalada oo ay saameeyeen fatahaadaha.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in magaalada Beledweyne ay ka jirto xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd iyada oo magaalada badankeed laga barakacay, dadka qaarna ay ku go’doonsan yihiin Xaafadaha.

Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka, shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne oo ay saameeyeen musiibada fatahaadaha Wabiga Shabeelle.