DF Soomaaliya oo maanta magaalada Laascaanood u dirtay 3 diyaarad oo siday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa maanta diyaarado wada shixnado iskugu jira raashin iyo daawo u dirtay markale magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka socdaan dagaal maalintii lixaad galay.

Diyaaradaha ay dirtay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaaraya illaa saddex diyaaradood, waxayna ka dagi doonaan magalaada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Gurmadkan ayaa kadib waxaa loo sii gudbin doono magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku dhow, oo bulshadii ku nooleyd uu si weyn u saameeyay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaankaas.

Agaasimaha guud ee hey’adda maareynta masiiboyinka qaranka Cabdirashiid Maxamuud Xasan oo warbaahinta dowladda kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood oo dagaal kula jira Somaliland.

“Waxaa ka shaqeynaynayn sidii loo caawin lahaa dadkii kusoo waxyeeloobay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, hore waxaa u dirnay laba diyaaradood oo daawo ah oo aan ka dejinay Garoowe. Diyaarad waxaa kusoo qaadnay dhaawacii dadkii meeshaas dhibta ku gaaray waxaa lagu dabiibaya isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri.

Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in saddexda diyaaradood ee maanta loo diray Laascaanood ay laba kamid ah wadaan gar-gaar raashin ah, halka diyaaradda saddexaad ay wado daawo iyo agabka caafimaadka.

“Waxaa leeyahay shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay naga dhageysanayaan waa idin garab taaganahay oo idinla shaqeynayna. Gurmadka waa sii socon doona, illaa hadda inta shaqada bilowday diyaaraddii shanaad ayaa mareyna aan u dirno gargaarka dadka dhibaatada kaga dhacday magaalada Laascaanood.”

Waa markii labaad ee dowladda federaalka Soomaaliya ay magaalada Laascaanood u dirto diyaarado sida gar-gaar, ayada oo Arbacadii sidan oo kale diyaarado sida agab caafimaad iyo dhakhaatiir ka dejisay magaalada Garoowe, halkaas oo ay uga sii gudbeen magaalada dagaalka ka socdo ee Laascaanood.

Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horay uga hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ayaa ku baaqay in wada-hadal lagu xaliyo, isagoo balan-qaaday in dowladda Soomaaliya ay qaada doonto kaalinteeda gurmadka dadka ku waxyeeloobay dagaalka.

Dagaalka ayaa maanta galay maalinkii 6-aad, ayada oo xukuumadda Somaliland ay xalay ku dhawaaqday xabad joojin shuruud la’aan ah, taasi oo ay ku gacan sayreen Isimida ku sugan Laascaanood oo dhaqan-gelintiisa ku xiray in ciidamada Somaliland ka baxaan magaalada iyo in maamulkooda uu raali-gelin ka bixiyo inuu ku tilmaamo argagixiso.