Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Salaad, ayaa lagu wareejiyey galka dhismaha maamul cusub oo laga dhisayo deegaanada Jubbaland, kaas oo lagu jebinayo Axmed Madoobe, oo dowladdu ay dagaal culus kula jirto.
Sidoo kale, Caasimada Online waxay ogaatay in dowladdu ay qorsheysay in maamulkaas loo dhiibo Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ka soo jeeda gobolka Gedo.
Tan iyo markii ciidamada Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen Beledxaawo, waxaa bilowday qorshayaal ay dowladdu ku dooneyso inay wax uga bedesho xaaladda gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland.
Wasiirka Fartaag ayaa Saxaafadda u dusuyey xogta ah in dowladda federaalka ay bilaabeyso dhismaha ‘Jubbaland cusub’ taas oo isaga madaxweyne looga dhigayo, sida uu qorshuhu yahay.
Xogtu waxay intaas ku dareysaa in fulinta qorshaha dhismaha maamulkaas uu kaalin xoog leh ka qaadan doono Cabdirashiid Janan oo hadda gobolka ku sugan, iyadoo Mahad Salaad uu hayo malafka guud ee dhismaha maamulkaas oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ku wareejiyeen.
Qorshahan oo si dhab ah uga tarjumaya rabitaanka dadka reer Gedo, waxaa lagu soo daray Jubbada Dhexe, waxaana la go’doominayaa Jubbada Hoose oo Axmed Madoobe uu joogo.
Shalay iyo maanta waxaa gobolka Gedo ka bilowday dhaqdhaqaaqa iyo hadal heynta dhismaha maamulka cusub, waxaana gobolka jooga saraakiil ay dirtay dowladda federaalka oo Cabdirashiid Janan uu ugu sareeyo.