DF oo Muqdisho ka daah-furtay madal ay qeyb ka tahay beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta Muqdisho kadaah-furay madasha Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka.

Madashan oo ay soo qaban-qaabisay wasaraadda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, kaasi oo ah hannaan cusub oo wada-shaqayneed oo u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamud Beene-beene ayaa faah-faahin ka bixiyey muhiimadda ay madashan u leedahay umadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in madashan ay kor u qaadayso isku-dubbaridka iyo in mashaariicda la waafajiyo qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in madashan ujeedkeedu yahay isku dubaridka iyo hagaajinta gargaarka iyo kaalmada horumarineed ee deeq-bixiyeyaashu siiyaan dalkeena.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madashan ay kaalin muhiim ka qaadaneyso sidii loo yeelan lahaa madal ka shaqaysa iskaashi joogto ah, si looga wada shaqeeyo horumarka guud ee dalka.

“Xukuumadda Dan-Qaran waxay hiigsanaysa in dawladda la gaarsiiyo heer isku filnaansho iyo isku tashi ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo ka dhawaajiyay hiigsiga fog ee xukuumadda uu qeybta ka yahay.

Madashan oo ay hor-kacayso dawladda Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah bulshada caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka ah iyo sidoo kale daneeyayaal kale oo caalami ah.