SSC oo qaadatay mowqif culus kadib go’aankii Biixi uu ku adkeystay

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ayaa shaaciyay in xabad joojin aysan dhaceyn oo wada-hadal ay la galayn Somaliland, kadib go’aankii uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi shalay ka hor sheegay Baarlamaanka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Baarlamaanka ka sheegay in marnaba aan Somaliland laga sugin in ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool, xilli ay baaqyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ahba ay soo jeediyeen in ciidamada Somaliland ka baxaan gobolka si labada dhinac ay miiska wada-hadalka iskugu imaadan.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC ayaa sheegay in aysan wada-hadal la fureyn Somaliland inta ay ciidamadooda joogaan Sool, isaga oo ka dhawaajiyay aysan marnaba is dhiibi doonin marnaba oo ay la dagaalamayaan, “Shacabkeygu waxay doorteen in ay dhintaa halkii ay gunimo kaga noolaan lahaayeen.”

“Wada-hadalku waxa uu ku iman karaa oo kali ah haddii ciidamada Somaliland laga qaado goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Sool, markaas ayaanu cafin karayna ama aarsan karayna, laakiin inta ciidan na dul joogo wax wada-hadal ah oo noo dhaxaynaya majiro,” ayuu yiri Garaadka Guud ee SSC.

Garaadka ayaa intaas sii raaciyay “Wada-hadalku waxa uu ku iman karaa oo kali ah haddii ciidamada Somaliland laga qaado goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Sool, markaas ayaanu cafin karayna ama aarsan karayna, laakiin inta ciidan na dul joogo wax wada-hadal ah oo noo dhaxaynaya majiro.”

Sidoo kale, waxa uu ka jawaabay garaadku hadal kasoo yeeray guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo uu ku sheegay in garaadadu ay wada-hadalka diideen.

“Kii soo duulay ee dadka guryihiisa ku dhex jiray ee duminayay ee dhiiga daadinayay, ayaa leh nabad-galyadii cid ayaa ku ciyaaraysa, waa nasiib daro nin aad kusoo duushay oo aad dadkiisii laynayso in aad hadana tadha wada-hadal kii ayuu diiday,” ayuu yiri Garaad Cali Garaad Jaamac

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xabad joojinta ay Somaliland ku andacooto ay ogolaanayaan haddii ay ciidamada Somaliland ku guurayaan waqti kooban, laakiin aysan ogoleyn wax xabad joojin oo kale oo dhex-marta.

“Majiro xad ay saxiixeen aabihii awowgii toona oo Somaliland leedahay, sida uu sheegay Muuse Biixi” ayuu hadalkiisa sii raaciiyay Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali.