Puntland oo si adag uga jawaabtay eedeyntii ra’iisul wasaare Xamza

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa si adag uga jawaabay eedeyn uu xalay u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ee uu ku sheegay in maamulka Puntland uu fashilinayo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Mudane Xamza ayaa sheegay in Puntland aysan dowladnimada Soomaaliyeed meeshii laga filayay ka taagneyn, islamarkaana caqabad ay ku tahay in dalka Soomaaliyeed iyo qarankaba laga cafiyo shan bilyan dollar lacag dhan.

Wasiirka Qorshaynta Puntland oo magaalada Garowe kula hadlayay kumanaan shacab ah ayaa waxa uu sheegay in maamulka Puntland aysan jirin wax mashaariic ah oo kasoo gaaray deymihii hore ee dowladda federaalka ah ay ku qaadatay magaca Soomaaliyeed.

“Deynta iyo cafinteeda, anigu wasiirka qorsheynta aheyd waxaa ka dhahaa anagga deyn na-laguma laha. Lacagta deynta ah ee Soomaaliya magacyadeeda ay dowladihii hore ku qaateen, waxay ahayd lacag mashaariic lagu fuliyay. Mashaariicdaas haddaanu nahay reer Puntland hal mashruuc nagama soo gaarin,” ayuu yiri Wasiirka Qorhsheynta Puntland.

Waxa uu sheegay in mashaariicda lagu fuliyay lacagaha deynta lagu leeyahay Soomaaliya, ay Puntland kasoo gaartay laba mashruuc oo kala ahaa; madaarada Boosaso iyo Garoowe, taasi oo uu sheegay inay aheyd deeq ay bixisay Talyaaniga.

“Puntland yeeli mayso deyn aysan waxba ka ogayn, oo aan lagala tashanin in laga cafiyo Soomaaliya,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiir Maxamed Saciid Faroole.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in qaar kamid ah deymahaasi ay musuq-maasuqday dowladda Soomaaliya ee hadda jirta, “Waxay rabaan in shantii bilyan ee qaateen laga cafiyo, ayna qaatan laba boqol oo bilyan oo cusub oo anaga waxba nagala siin oo Soomaali inteeda kale lagu burburiyo.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay dalbaday in la kala saaro horumarka iyo siyaasadda, isaga oo sheegay in maamullada kale ee dalka ka jira ay ka shaqeeyeen nidaamkii dayn cafinta marka laga reebo Puntland, oo diiday inay kasoo qeyb gasho shirarkii gogol xaarka u ah arrimaha dayn cafinta.

Mudane Xamza ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay arrintaasi iska diidaan oo aysan bar madow ku noqon, inksta oo haddii arrintaasi lagu hungoobo mas’uuliyadda u saariyay maamulka jira ee uu hoggaamiyo Saciid Deni.