DF oo meel adag iska taagtay sida ay Somaliland u maareysay rabshadaha Boorama

MUqdisho (Caasimada Onlne) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay sida ay xukuumadda Somaliland u maareysay rabshadaha shalay ka dhacay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday degmada Kaaraan ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba raali ka aheyn in xabad loogu jawaabo shacab cabashadooda muujinaya, sida kal hore ka dhacday Laascaanood, taasi oo hadda mareysa meel adag.

“Dowladda federaalka ah waxay dowlad u tahay laga soo bilaabo Lawyacadde illaa Raaskambooni. Wixii ka dhaca waxa anaga naga hooseeya waxaan leenahay faa’iido ma keenayaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay tallaabo ay qaadeen dadweynihii careysna ee shalay calanka Soomaaliya ka taagay bartamaha magaalada Boorama, “Calankaan Buluuga, Hargeysa calan buu u yahay, Laascaanood calan buu u yahay, Boorama calan buu u yahay, Berbera-na calan buu u yahay, iyaga ayuu markii hore ka yimid.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale oo uu tlmaamay in arrimaha ka taagan Boorama iyo Laascaanood aysan u baahneyn colaad iyo dhibaato horleh ee loo baahan yahay in wixii jira lagu xaliyo wada-hadal iyo wada-jir bulsho.

“Wiil Soomaaliyeed in uu dhinto ma ogolin, in la heshiiyo oo la wada-hadlo ayaan rabnaa. Boorama ha ka socoto ama Laascaanood ha ka socoto, in la heshiiyo ayaan rabnaa.”

Waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay masuuliyad gaar ah ka saaran tahay amniga, ayna tahay inay si caqliyeysan lagu dhameeyo wax jira, oo miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, “Xil gaar ah ayaa ka saaran in dadka iyo odayaasha ay la fadhiistaan, oo nabad-gelyada la ilaaliyo.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in hal dowlad la wada yahay, islamarkaana wax la iskula haro oo nabad-gelyo lagu wada noolaado.

“Siyaasadda waa laga heshiina hal dowlad ayaa wada nahay ee ha la joojiyo kala cararada, oo ha la xishooda, yaan la fogaan oo la isku fogaan, oo shacabkeena iska leynin iyo wax aan berri ka qoomameyn doono,” ayuu yiri.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa imanaya xilli ay shalay magaalada Boorama ka dhaceen rabshado horleh, kuwaasi oo looga soo horjeedo dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal, iyada oo ciidamada Booliska ay rasaas nool ku fureen dibad-baxayaasha, taasi oo dhalisay inuu isku rogo kacdoon dadweyne, ayada oo dadka dhigayay dibad-baxaan la arkayay iyaga oo calanka Soomaaliya ka taagay bartamaha magaalada.