WARAABE: Khudbadii madaxweynaha waxay aheyd is dila

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn u dhaliilay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo uu ku eedeeyay in Somaliland uu ku wado burbur.

Guddoomiye Waraabe oo ka fal-celiyay khudbad sanadeedkii uu madaxweyne Muuse Biixi uu shalay ka jeediyay Baarlamaanka ayaa waxa uu ku tilmaamay khudbad aan la fileyn oo macnaheedu ka dhigna is dila, sida uu hadalka u dhigay.

“Khudbadiisi shalay, lama filayn maanta oo aynu doonayno in uu dalkeenu midoobo oo huwanta dalka soo weerartay gacmaha iska qabsano oo khilaafka gudaheena aan xalino, oo uu horseed ka noqdo ilayn kursigii madaxweynaha ayuu fadhiyaaye in uu khudbad lasoo shir tago khudbad macnaheeda uu ahaa is dila,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu ka horyimid hadalkii Biixi uu xisbiyada ku sheegay ururo, oo uu sheegay inuu u sameynayo sidaas muddo xileedkiisa dahamaaday iyo damaciisa guran.

“Haddii xisbiga Kulmiye urur noqday suurta-gal ma ahan in madaxweyne uu matalo ururo, ma urur madaxweyne leh ayaa la arkay. Sharcigii shanta sano wuu ka dhacay, ma waxaa aragteen meel ay ku taallo guddoomiye guurti oo isaga qudhiisa uu labaatan sano fadhiyo ayaa u kordhiyay,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee Somaliland.

Waraabe ayaa waxa uu sheegay in sharci aheyd in xoog madaxtooyada kaga soo saaraan Muuse Biixi, maadaama uu dhameystay muddadii uu dastuurka u ogolaa, balse ay shacabka iyo nabadda u tudheen.

“Muusow, Somaliland oo dhan ayaa magac xumo u keentay, anaga oo haybad leh oo na-laga baqo oo ciidankeena, oo Soomaali oo dhan sharaf noo hayso ayaa maanta nala leeyahay ma sidaan ayaa aheydeen.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in cid kasta oo taageersan madaxweyne Muuse Biixi inay ka qeyb qaadanayso bur-burinta Somaliland, islamarkaana loo baahan yahay in xilka laga qaado, haddii kalena ay ka tashan doonaan.

“Wax lagugu soo xasuusto oo kheyr ah lagama hayo (Muuse Biixi-yow) oo magac xumo ayaa la joogta. Waqtigaaga wuu dhamaaday ee wax uun ha lagugu soo gaadho ee qabo doorashada.”