DF oo qaaday tallaabadii u horreysay kadib heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macalin ayaa maanta ku wareejiyay guddiga dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxaa lagu wareejiyay illaa shan heshiis ee goluhu gaareen oo ay Puntland ka maqneyd ayaa guddiga dib-u-eegista Dastuurka oo uu guddoomiye u yahay Xildhibaan Xuseen Iidow iyo xoghayaha guddiga Saciid Cabdi Xuseen.

Heshiisyadan ayaa la qorsheynayaa in laga qeyb-geliyo wax-ka-bedelka Dastuurka, xilli uu buuq badan dhaliyay heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran oo wax ka beddal loogu sameeyay doorashooyinka iyo nidaamka dowliga ah.

Sidoo kale waxay su’aal ka taagan tahay sida heshiisyadan waddar oggol loogu soo dabaali karo, iyada oo aysan maamulka Puntland qeyb ka aheyn, oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeyso madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa heshiiskii ugu dambeeyay ku gaaray inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya, islamarkaana loo guuro nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Heshiisyada lagu wareejiyay guddiga ayaa kala ah;

1- Heshiiska Hannaanka Federaalaynta Garsoorka ee December, 2022.
2- Astaynta awoodaha hay’adaha dowladda ee December, 2022.
3- Heshiiska astaynta iyo wadaagga dakhliga ee Maarso 2023.
4- Heshiiska qaab dhismeedka amniga Qaranka ee Maarso 2023.
5- Heshiiska hannaan doorashooyinka Qaranka ee Maarso 2023.

Si kastaba, Tallaabadan ay maanta dowladdu qaaday ayaa ka dhigan in loo qaaday sidii heshiisyadaasi oo uu qeyb ka yahay midkii u dambeeyay ee doorashooyinka loogu beddeli lahaa luuqad Dastuuri ah.