25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

DF oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xaaladda gobolka Gedo, kadibna soo xirtay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa tiro odayaal ah oo shalay lagu xiray gudaha magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaas oo taageero u muujiyay maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Odayaasha la xiray oo gaaray illaa 10 Oday dhaqameed ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada, waxayna kasoo horjeestay qorshaha dowladda ay ku wajaheyso xaaladda Jubaland, waxaana lasoo wariyay in ay soo xiraan ciidamada booliska Garbahaarey.

Arrintan ayaa dhalisay buuq xooggan iyo in durbo xaalad laga dareemo gobolka Gedo oo mar kale wajahaya xiisad u dhexeyso Dowladda Federaalka iyo Jubaland.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada oo ku aadan xarigga maanta loo gaystay qaar kamid ah odayaasha gobolka Gedo.

Dhinaca kale Jubaland oo ka hadashay arrintan ayaa si weyn u cambaareysay xarigga odayaasha, waxayna ku eedeysay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo intaasi ku dartay in ujeedadu tahay burburinta maamulka halkaas ka jiro.

“Tani ayaa waxa ay tilmaameysaa qorshaha xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa ay la damacsan yihiin in ay ku burburiyaan nidaamka dowliga ah ee ka jira deegaanada Jubbaland balse Bulshada ku nool deegaanada Jubbaland ayaa fahamsan qorshaha qar-iska tuurnimada ah ee Xasan Sheekh Maxamuud rabo taas oo marna aan oga suuragaleynin deegaanada Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Jubaland.

Waxaa kale oo jirtay in Jubaland ay maanta sheegtay in la afduubtayAxmed Xuseen Jaamac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ee degmadaasi, kaas oo ay sheegtay in lagala baxay gurigiisa.

“Axmed Xuseen Jaamac oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ayay gordhow Ciidamo ka Amar qaata Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ka afduubteen gurigiisa oo ku yaalo degmada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Xiisadda Muqdisho iyo Kismaayo ayaa haatan u muuqata inay dib usoo laba kacleysay, waxaana huriyay bayaankii kasoo baxay shirkii u dambeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu sheegay in loo baahan yahay in sharci loo wajaho xaaladda Jubbaland.

Xaaladda Jubbaland ayaa waxaa sidoo kale loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News