DF oo qaaday tallaabooyin kadib hadalkii Cali Dheere

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa Sabtidii baahisay muuqaal uu afhayeenka kooxda Cali Dheere uga hadlayo dagaalka dhaqaale ee kaga socda Muqdisho, kaasi oo uu udhigay mid lagu dhibaateynayo umadda Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaarada warfaafinta ayaa u dhaqaaqday inay baahiso muuqaalo hore oo ku saabsan dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo kamid yihiin shaacintii akoonada iyo lambarada laga xiray kooxda iyo hadal uu madaxweynaha dhawaan ka jeediyay kacdoonkii shacab ee ka qabsoomay Muqdisho.

Hadalka Cali Dheere oo u muuqday mid quus ah, muujinaya in dagaalka dhaqaale ee dowladda federaalka la gashay uu si weyn u taabtay ayaa digniin u diray bangiyada oo uu sheegay inaysan xogta macaamiishooda la wadaagin dowladda, islamarkaana ay ilaaliyaan lacagaha la dhigto.

Dowladda ayaa muuqaalada ay dib u baahisay ee uga jawaabeyso hadalka Cali Dheere waxa kamid ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegaya guusha laga gaaray dagaalka dhaqaale ee Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in lasoo bandhigi doono malaayiin dollar oo Al-Shabaab ugu xaraysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay.

Xasan ayaa sidoo kale sheegay in arrintaan ay muujinayso in dagaalka dhaqaale ee Shabaab uu yahay mid ficil ah, xilli ay markii hore dadka qaarkood u haysteen sheegashada dowladda ee akoonada la xayiray iidheh qeyb ka ah dagaalka.

“Dowladdu mar dhow way soo bandhigi doontaa xisaabaad badan oo Shabaab Bangiyada loogu arurin jiray kuwaas oo la xiray. Taleefoono badan oo lacagaha la isugu xawili jirayna waala xiray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuuud.

Al-Shabaab ayaa u muuqata inay saameeysay xayiraada dowladda ay saartay dhaqaalaha u yaalla bangiyada Muqdisho, kuwaasi oo ay kooxda ku eedeeysay in aysan ilaalin karin lacagaha amaanada ku ah, wallow kooxda laftigeedu ay lacagta si baad ah uga qaadan jirtay ganacsatada.