DF oo qabatay shir deg-deg ah ku qabatay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gdaha Soomaaliya oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka qeyb galay kulan deg-deg ah oo looga hadlayey amaanka deegaanada Hir-Shabeelle, oo muddooyinkii dambe ka taagneyd xiisad xoogan.

Kulanka ayaa waxa shir gudoominayay Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabgeed, iyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya qeybta 27-aad, kuwa AMISOM ee ka socdo dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Waxa kulanka si wada-jir ah loogu falanqeeyay amniga guud ee gobolka Hiiraan, iyada oo saraakiisha ciidamda dowladda iyo kuwa AMISOM laga dhageystay warbixin la xiriirta amniga, iyaga oo xusay inay weli gacanta ku hayaan amniga gobolka.

Yuusuf Dabgeed, Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ugu baaqay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada inay dar-dar geliyaan howlaha sugida Amniga degaannada gobolka Hiiraan.

Kulankan ayaa imanaya xili ay deegaanada maamulkaas ka dhacayeen falal amni daro, iyada oo lagu dilay Beledweyne guddoomiye Xaafadeedyo iyo Ciidamo ka tirsan dowladda.

Sidoo kale waxa iyagu mararka qaar weeraro madaafiic ah iyo kuwa gaadmo ah ka fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo bartilmaameedsada xeryaha ciidamda dowladda iyo kuwa AMISOM ee magaalada Beledweyne ee xarunta maamulkaas.