Galmudug iyo Puntland oo ku heshiiyey qodob la xiriira doorashada iyo qodobo kale

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo maanta shir ku yeeshay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga ka dhexeeya labada maamul.

Shirkan oo ay sidoo kale goob joog ahaayeen mas’uul kale oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano ka tirsan labada aqal ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, is-dhexgalka bulshada iyo horumarrada kale ee ka jira gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale waxa kulankan labada dhinac ay ku soo hadal qaadeen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Qodobada ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah:-

1- In labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug ay iska kaashadaan sugida Amniga degaannada Galmudug oo bilihii la soo dhaafay ay ka dhaceen falal Amni darro.

2- In ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne inay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu soo dhoweyn lahaayeen dhinacyada ku kala aragtida duwan hannaanka qabsoomidda doorashada.

Madaxda labada maamul ayaa waxay isku raaceen danaha labada maamul, iyaga oo ku heshiiyey inay ka wada-shaqeeyan sidii ay iskugu soo dhaweyn lahaayeen dhinacyada ku kala aragtida duwan hanaanka doorashooyinka.

Madaxweyne Deni ayaa hore meel adag uga taagna hanaanka doorashada ay ku wado dowladda federaalka, iyada oo ay fashil kusoo dhamaadeen kulamo uu Garoowe kula qaatay ra’iisal wasaaraha dalka oo halkaasi u tagay dhex-dhexaadinta Deni iyo Farmaajo.

Si kastaba, waxa xiligan dalka ka taagan xiisada doorashada oo uu ka dhex aloosan yahay madaxda dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka oo iyagu qaadacay guddiga doorashooyinka lagu muransan-yahay oo xukuumaddu gadaal ka riixeyso.