DF oo QM ka hor sheegtay qorshaheeda doorashada, una digtay dalalka Amisom

New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in doorashao qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka, xilli ay jirto cabsi xooggan oo laga qabo inuu jiro isku day lagu doonayo muddo kororsi.

Ballan-qaadkan ayaa waxaa sameeyey danjiraha Soomaaliya ee QM, Abuukar Daahir Cusmaan oo hadal ka jeediyey kulan Golaha Ammaanka uu shalay yeeshay oo muddo kordhin loogu saameeyey sharciyadda ay ciidamada Amisom dalka ku joogaan.

“Dowladda Soomaaliya waxaa weli ka go’an in doorasho qof iyo cod ah ay qabato 2020/2021,” ayuu yiri danjiraha.

Danjiraha ayaa dhanka kale uga digay dalalka ciidamada ku tabaruca howlgalka Amisom inay faro-gelin ku sameeyaan arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka.

“Inkasta oo aan ka mahad-celineyo taageerada dalalka ciidamada ku tabaruca Amisom ee joogteynta amniga Soomaaliya, waxaan ku celinaynaa in dalalkaas ay waajibaadkooda gutaan ayaga oo aan faro-gelin arrimaha gudaha gaar ahaan doorashaooyinka,” ayuu yiri.

“Dhammaan dalalka ciidamada ku tabaruca Amisom waa inay ilaaliyaan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa bani’aadannimada maadaama ay la xiriiraan ixtiraamidda madax-banaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa si gaar ah horey ugu eedeysay Kenya, oo ka mid ah dalalka Amisom ciidanka ku tabaruca, inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.