Waa maxay sababta dadka Balanbal uga careysan yahiin maamulka GALMUDUG?

Balanbal (Caasimadda Online) – Dadka deegaanka Balanbal ayaa ka careysan maamulka Galmudug, waxeyna wadooyinka bartamaha magaalada ka dhigayaan dibad baxyo ay ku muujinayaan dareenkooda.

Dibad-baxayaasha ayaa waddooyinka magaalada ku gubay taayaro, waxeyna ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah maamulka cusub ee Galmudug, waxaana la fahamsan yahay iney dhaliilsan yahiin mid ka mid ah wasaaradaha maamulka.

Sida ay sheegayaan ilo madax banaan oo ku sugan deegaanka, dibadbaxayaasha waxey ka careysan yahiin mashaariic sida ay aaminsan yahiin uu ka qadiyay wasiirka Qorsheynta maamulka Galmudug oo dhawaan soo jeediyay mashaariic laga hirgelin doono deegaano ka tirsan Galmudug.

Waxaa lasoo tabiyay in odayaasha dhaqanka ay banaanbaxa ka qeyb yahiin, waxeyna warbaahinta u sheegeen in deegaankooda uusan ka mid aheyn deegaanada ay maamulaan Galmudug.