UNICEF oo shaacisay in dhacdadii GOLOLEY ay horseedi karto dambi dagaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda UNICEF oo hoostagta Qaramada Midoobay ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadleyso dhacdadii dhowaan sideeda dhalinyarada aheyd lagu laayey ee deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qoraalka ka soo baxay hay’adda ayaa marka hore lagu sheegay inay aad uga walaacsan tahay falkaasi oo isugu jiray afduub iyo dil intaba.

Sidoo kale waxay UNICEF shaacisay in dhacdadaasi ay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah, islamarkaana ay horseedi karto dambi dagaal.

“Waxaan ka naxnay afduubka iyo dilidda toddobo shaqaale caafimaad ah oo joogay xarun caafimaad oo ku taal koonfurta Soomaaliya, Bartilmaameedsiga shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa si weyn xadgudub ugu ah sharciga caalamiga ah waxayna u horseedi kartaa dambi dagaal. Weeraradan foosha xun waxay faragalin ku hayaan ilaalinta aasaasiga ah ee caafimaadka iyo in dambiilayaashu lala xisaabtamo.” ayey tiri UNICEF

Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay “Shaqaalahan caafimaadku waxay ahaayeen geesiyaal waxa ay bixin jireen daryeel nafo lagu badbaadiyo carruurta iyo qoysaska.”

Warka UNICEF ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ay socdaan baaritaano ku aadan falka lagu xasuuqay dhalinyaradaasi oo todobo ka mid ah ay ka shaqeynayeen xarun caafimaad oo ku taalla Gololey, halka qofka kale uu ka mid ahaa dadka deegaanka.