Imaamka weyn ee Masjidka AL-AQSA oo xabsi la dhigay

Qudus (Caasimada Online) – Saraakiisha sirdoonka Israel ayaa Jimcihii gurigiisa oo ku yaalla Bariga Qudus ka xiray imaamka weyn ee Masjidka Al-Aqsa, Sheikh Ekrima Sabri.

“Cutub ka mid ah sirdoonka Israel ayaa weeraray guriga Sheikh Ekrima, waxayna ku wargeliyeen inuu xiran yahay,” waxaa sidaas wakaaladda wararka ee Anadolu Agency u sheegay qof ka mid ah qoyska Imaamka.

Qofkan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa intaas ku daray in imaamka loo kaxeeyey saldhigga booliska al-Qashla ee Galbeedka Qudus, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayey.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada Yahuudda u xireen Sheikh Ekrima.

Bishii Janaayo, mas’uuliyiinta Israel ayaa go’aansaday in Sheikh Ekrima ka mamnuucaan inuu galo Masjidka Al-Aqsa, muddo afar bilood ah.

Israel ayaa qabsatay Bariga Qudus, oo Masjidka Al-Aqsa uu ku yaalla, intii lagu guda jiray dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii.

Wixii markaas ka dambeeyey, Masjidka ayaa mar walba ahaa mid Israel ay sida ay doonto ay ka yeelato, ayada oo xirta xilliga ay doonto, kana mamnuucda ciddii ay doonto.