Kenya oo karaantiil gelisay macallimiin ay ka qaaday magaalada GAROOWE

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa muddo karantiil ah galisay macalimiin todobaadkii hore dib loogu celiyay Nairobi lagana qaaday magaalada Garowe ee xarunta dowlad Goboleedka Puntland.

Kooxdaan barayaasha ah ayaa hawlo shaqo u joogay deegaanada Puntland, waxaana la sheegay iney muddo sideed bilood ah ku xayirnaayeen caasimadda.

Warbaahinta Nairobi News ayaa sheegtay tirada macalimiinta iney tahay 50, waxaana Khamiistii laga qaaday Garowe iyadoo diyaaradda Daallo ay ka dajisay garoonka Jomo Kenyatta International Airport.

Mid ka mid ah macalimiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney saddex meelood xarumo ku kala yaalla ku suganaayeen, sidoo kalana ay ku faraxsan yahiin dib ugu laabashada gurigooda.

Sida ay warbaahinta xaqiijisay xarunta KMTC ayaa lagu karantiilay macalimiintaas, lamana fasixi doono ilaa ay dhameystaan muddada loo cayimay si loo ogaado xaaladooda.

Inkastoo diyaaradda ay qaaday 120-qofood haddana isha warka ee la helay waxey xaqiijisay in kaliya 50-ka macalin kaliya la karantiilay waxeyna sugayaan jawaabta baaritaanadooda iyo sidoo kale iney ka baxaan xilli huuriska.