Muqdisho (Caasimada Online) –Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dowlada Somalia ay wado qorsho ay Odayaasha diidan shirka Jowhar ku qancineyo.
Mukhtaar Maxamuud oo kamid ah waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay qancinta Odayaasha diidan shirka Jowhar u adeegsaneyso Odayaal kale oo kasoo jeeda Muqdisho, waxa uuna sheegay in Dowlada ay Guddi Odayaal ah usoo direyso magaalada Beledweyne.
Gudiga Odayaasha ayuu sheegay in ujeedkooda uu yahay in Odayaasha diidan shirka Jowhar oo ku gacanseeray go’aanka Madaxweyne Xassan ay kala hadli doonaan sidii loo aqbali lahaa shirka.
Waxa uu tilmaamay in tirro ahaan Odayaasha ka imaan doona Muqdisho uusan garaneynin, waxa uuna farta ku goday in Odayaasha ay wehlin doonaan Siyaasiyiin kasoo jeeda Hiiraan oo ku beel ah beelaha kasoo horjeeda go’aankii uu gaaray Xassan Sheekh ee lagu kala dhantaalay Odayaasha Gobolka.
Odayaasha laga xuli doono Muqdisho ee la filaayo inay gaaraan magaalada Beledweyne ayaa u badnaan doona Odayaal kasoo jeeda Beelaha Hawiye, inkastoo aan la garankarin natiijada ay kala imaan doonaan Beledweyne.
Dhanka kale, arrintaani ayaa imaaneysa xili magaalada Jowhar ay gaaren tirro Odayaal ah oo qaatay go’aanka Madaxweyne Xassan iyo Wasiir Odawaa ee ahaa in lagu laabto shirka Jowhar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]