DF oo shaaca ka qaaday cadaadis caalami ah oo loo saaray hal arrin darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in culees siyaasadeed ay ka dhaxleen go’aankii ay dhexdhexaad kaga noqdeen khilaafkii u dhaxeeyay dalalka Khaliijka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa wareysi uu kaga hadlayo waxyaabaha ay ka dhaxleen go’aankaasi wuxuu siiyay wakaalada Wararka Anadol ee dalka Turkey.

Wasiirka waxa uu sheegay inay Somalia wajahday Cadaadis Siyaasadeed iyo Xiisado ay abuureen dalal ay ku jiraan kuwo Reer Glabeed oo uusan carabaabin, balse uu sheegay in Cadaadiskaasi xiriir la leeyahay Go’aankii ay DFS  dhedhexaadka kaga noqotay Khilaafkii Khaliijka.

Wasiirka ayaa sheegay in cadaadiskaasi wax saameyn ah uusan ku yeelan go’aankooda, islamarkaana uusan niyad jibin dadaalkii ay wadeen iyo xiriirkii ay la lahaayeen dalalka Caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dowladda, Axmed Ciise Cawad waxa uu Wareysigiisa kaga hadlay Xiriirka Somalia iyo Turkiga, wuxuuna xusay inuu Turkigu yahay saaxiibka ugu weyn ee Isbahaysiga Istaraatijiyadeed ee Somalia.

Wasiir Cawad waxaa kaloo wax laga weydiiyey Xiriirka dowlada iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay inuusan xiriirkooda gaarsiinayn Heerkii la doonayey, balse waxa uu rajo ka bixiyey inuu xiriirkaasi dib u soo xoogeysan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com