Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la dhammeystiray dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari, kaasi oo shalay doorashada hoggaanka maamulka ay ka dhacday magaalada Laascaanood.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maamulka Waqooyi Bari uu haatan noqday mid rasmi ah, kana mid noqday dowlad-goboleedyada federaalka.
Wasaaradda ayaa sidoo kale caddeysay in maamulka cusub uu ka kooban yahay gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo ay sheegtay in bulshada deggan ay kaalin muuqata ku lahaayeen dhismihiisa.
Maamulka Waqooyi Bari wuxuu ka soo farcamay maamulka kumeel-gaarka ahaa ee SSC-Khaatumo oo la sameeyay bishii Agoosto 2023, iyada oo muddadii laba sano ahayd la qabtay wadatashiyo, shirar ballaaran iyo qorista dastuur ku-meel-gaar ah.
Wasaaradda ayaa sheegtay in hawlahaasi dhidibada u taageen hirgelinta dowlad-goboleed rasmi ah oo maanta si buuxda u dhisan.
Gobollada ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya sheegtay inay kamid yihiin maamulka cusub ayaa ahaa kuwo muran ka taagan yahay, uuna sheegto maamulka Somaliland oo ku dooda inuu yahay dal ka madax banaan Soomaaliya.
Si kastaba, maamulkan ayaa waxaa haatan hoggaamin 5-ta ee soo socota Cabdulqaadir Axmed Firdhiye oo shalay loo doortay Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari. Ninkan oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada ayaa si weyn ugu xiran dowladda dhexe.
Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka riixaysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku laheyd doorashada Waqooyi Bari.
Sidoo kale waxaa madaxweyne ku-xigeenka maamulkaloo doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo isna kusoo baxay cod aqlabiyad leh, kadib markii ay soo xaadiri waayeen musharrixiintii kale ee isku diiwaangeliyay doorashada.



