DF oo shaacisay in arday badan ay imtixaanka dugsiga sare ku galeen Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa ka warbixisay imtixaanaadkii shahaadiga ah ee dugsiyada sare dalka oo si rasmi ah shalay la soo gaba-gabeeyey.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in imtixaaankaasi ay u fariisteen illaa 35 kun oo Arday ah oo ku kala sugan magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in ardayda u fariisatay sanadkan imtixaanka ay ku jireen illaa 500 oo Arday ah oo imtixaanka ku galay deegaanada maamulka Puntland.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay wasaaradda waxbarashada laguma shaacin deegaanada ay ardaydaasi ka tirsan Puntland ku galeen imtixaanka.

Si kastaba ha’ahaatee arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo ay sanadkii Puntland diiday inay qeyb ka noqoto imtixaanaadka mideysan ee ay qaadeyso dowladda dhexe, iyadoona tilmaamtay inay imtixaan gaar ah u diyaarsadeen ardaydooda, ayna ka mid ahayn ardayda ka qeybgalaysa sanadkan imtixaanka guud ee dowlada federaalka.

Waa sanadkii lixaad ee ay dowladda Soomaaliya qaadeyso imtixaanaadka qaran ee shahaadiga ah, iyadoo sanadkan ay ardaydu aad uga badan kuwii hore.