DF oo shaacisay in howlgalkii GALCAD lagu khaarajiyay horjooge Cali Qoyane

Galcad (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin cusub kasoo saartay howl-gal ay shalay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay ka sameeyeen duleedka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa inta u dhexeysa Galacad iyo deegaanka Baraag Sheekh Caamir.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa shaacisay in howl-galkaas lagu khaarajiyay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabo Cali Axmed Guure (Cali Qoyane).

Horjoogahan lagu khaarajiyay howl-galka ayaa waxaa horey isaga oo maqana ah Maxkamadda Ciidamada ugu xukuntay dil.

Sidoo kale waxa uu kamid ahaa horjoogayaasha ugu halisan ee dadka Soomaaliyeed dhibka badan ku hayay, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda, kaasi oo lagu baahiyay warbaahinta qaranka.

Howl-galkan ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo uu ku sugna aagga tuulada Aflax oo hoostagta magaalada Galcad.

Ciidamada iskaashanaya ayaa waxa kale oo la sheegay inay la wareegeen hub iyo gaarid NOAH ah oo ay wateen xubnahaasi, oo si dhuumaaleysi ah uga howl-galayay halkaas, islamarkaana ay muddo ku raad-joogeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Majiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.