DF oo shaacisay in Shabaab-kii ugu badnaa lagu dilay howlgal culus oo ka socda…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaal-yahaano aad u badan kooxda Al-Shabaab looga dilay howl-gal qorsheysan oo afartii maalmood ee u dambeeyay ka socday gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa shaaciyay in howl-galkaan oo ay iska kaashanayaan xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland lagu khaarajiyay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigay 20 kale oo dhagar-qabeyaal ah, kuwaasi oo dhibaato ku hayay dadka deegaannadaas ku dhaqan, sida uu sheegay Wasiir Al-Cadaala.

“Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Jubbaland waxa ay maalintii afaraad oo xiriir ah hawdka ku baacsanayaan Al-Shabaab, 50 ka badan waa la dilay, 20 kale nolosha ayaa lagu qabtay, dhul badanna waa laga sifeeyay, Alle ayaa mahadsan,” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Howl-galladan ayaa waxay si gaar ah uga socdaan tuulooyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka iyo deegaanno kale, iyadaa oo intii uu socday lagu dilay horjoogeyaal iyo dagaal-yahaano kale, halka qaar kalenanolosha lagu qabtay tan iyo sabtidii la soo dhaafay, waana howl-gal ballaaran oo qeyb ka ah baacsiga Al-Shabaab.

Si kastaba, waxaa toddobaadyadii u dambeeyay dhiig cusub lagu shubay gulufka ka dhanka Al-Shabaab, ayada oo dardar xooggan ay ku socdaan howl-gallada lagu baacsanayo kooxda oo bilihii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanayaa kuwa deegaanka ayaa hadda waxay howl-gallo ballaaran ka wadaan dowlad-gobolleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kuwaasi oo Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare kala duwan.