Daawo: DF oo shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa si adag uga hadashay xiisadda dagaal ee ka taagan gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo sababtay khasaare xoogan.

War-saxaafadeedkan oo uu warbaahinta u aqriyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Axmed Macallin Fiqi ayaa lagu shaaciyay mowqifka dowladda ee arrinta Laascaanood.

Ugu horreyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dagaallada ka socdo halkaasi, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

“Dowladda federaalka waxa ay ka xun tahay dagaallada halkaasi ka dilaacay ee geysanayaa khasaaraha nafeed, barakaca Ummadeed iyo burburka” ayuu lagu yiri qoraalka Fiqi.

Wasiirka oo sii wada aqrinta bayaanka ayaa sheegay in xaaladda ka taagan Laascaanood ay salka ku heyso arrin siyaasadeed, wuxuuna ka digay in lasii wado dhibaateynta shacabka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya war-saxaafadeedkan ku shaacisay mowqifkeeda ku aadan xaaladda haatan ka taagan magaalada Laascaanood, waxayna sheegtay in uu xil ka saaran yahay ilaalinta midnimada dhuleed iyo tan badeed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda dhexe ayaa sidoo kale xustay inay so dhaweyneyso go’aanka kasoo baxay Isimada SSC iyo sidoo kale rabitaanka reer Laascaanood oo shalay ku dhawaaqay inay hoostagayaan dowladda federaalka, isla-markaana aysan kasii mid ahaaneyn Somaliland.

“Dowladda Soomaaliya waxaa xil ka saaraan yahay ilaalinta mabaadi’da dastuuriga ah ee dhowrista midimada dhuleed iyo tan dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna dawladdu ayadoo ka duulayso mabda’aas soo dhowaynaysaa rabitaanka iyo go’aanada dadka reer Laascaanod” ayaa markale lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ku baaqday in la dajiyo xiisadda haatan ka aloolsan magaaladaasi, wax welibana lagu dhammeeyo wada-hadal iyo degnaan.

Ugu dambeyn waxaa war-saxaafadeedkani farriin loogu daray hay’adaha Samafalka iyo kuwa Caalamiga ah oo laga dalbaday inay u gurmadaan dadkii ka barakacay Laascaanood.