Daawo: Xaafad ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo xalay gubatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa haatan laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dab xoogan oo xalay sadqii dhexe ka kacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dabka oo geystay khasaare hantiyeed oo xoogleh ayaa ka kacay guryo ku yaalla xaafadda Kalluunka oo ku dhow xeyndaabka xarada Xalane ama garoonka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in goor dambe lagu guuleystay daminta dabkan, kadib gurmad ay sameeyeen dadka deegaanka iyo gaadiidka dab-damiska ee maamulka gobolka Banaadir.

Hooyo kamid ah dadka deegaanka oo la hadashay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in dabkaan uu khasaare culus kasoo gaaray qoysas dan-yar ah oo ku nool xaafaddaasi.

“Horta hanti ma koobi karno dad masaakiin ah ayey u badnaayeen oo ilmahooda la xoogsada, koley waxay cuni lahaayeen, waxay cabi lahaayeen, waxa ay xiran lahaayeen iyo wax ay koglan lahaayeen waxa uga baxay malaha” ayey tiri hooyo daggan Kalluunka.

Sidoo kale wiil kamid ah dadka deegaanka isna hadlay ayaa sheegay inay gubteen ugu yaraan illaa afar guri, isla-markaana uu dabka ka dhashay Koronto.

“Dabka waxa uu ka billowday Koronto inta meesha ku basbeeshayna waa illaa afar guri,” ayuu yiri wiilka dhalinyarada ah oo sidoo kale kamid ahaa dadkii gurmadka sameeyay.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dabkan uu sababay dayacaad ay sameeyeen qolada Korontada, isaga oo sheegay in horay loogu wargeliyay ciladda dhalisay dabka.

“Cidda waxa ay innoo sheegeen in Korontada maalmo kahor ay haleysneyd ay wiilasha farsamayaqaanada u waceen ayna isku dayeen inay hagaajiyaan, balse hadda isla meeshii ay ka dayactireen uu dabka ka kacay waana dayacaad xagga Korontada ah” ayuu raaciyay.

Si kastaba, habeeno kahor ayey aheyd markii uu gubanayay Suuqa weyn ee Bakaaraha oo uu isna qabsaday dab ka dhashay Koronto, kaas oo ay ku hanti-beeleen ganacsato badan.