DF oo shaacisay qorshe laga hir-gelinayo magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday inay qorsheyneyso in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xarumo dheeraad ah oo dadka looga baaro cudurka COVID-19, xilli kiisaska cudurka ay sii kordhayaan.

Wasiirka caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in Feyruska Karoona uu dalka aad ugu fidayo, ayaa sheegtay in la qorsheynayo in la badiyo baaritaanka bulshada ee COVID19, taasi oo laga maarmaan ah

Qorshaha ayaa waxaa ka mid ah in maamul gobaleedyada dhan la gaarsiio qalab dheeraad ah oo qayb ka qaadanaya dadaallada xakameynta faafitaanka cudurka iyo in magaalooyinka waaweyn ee dalka laga hir-geliyo xaruma dheeraad ah oo dadka looga baarayo xanuunka COVID19

Qorshahan ayaa imanaya ayada oo wasaaradda ay maanta xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 49 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 bukaanna ay ka boqsoodeen xanuunka.

Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay inaysan jirin bukaanno cusub oo u geeriyooday cudurka, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Goobaha kiisaska cusub laga diiwaan geliyay, ayaa kala ah gobalka Banaadir 26, Koonfur Galbeed 9, Puntiland 8 iyo Somaliland 6. Bukaannda cusub 38 ayaa rag ah, halka 11 ay yihiin haween.

Guud ahaan Soomaaliya, 1,219 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa laga diiwaan, Geeridu waxay mareysaa 52, waxaana guud ahaan ka bogsooday 130 ruux.