Maxkamadda ciidamada oo go’aan ka gaartay ilaaladii hotel ee dilay taliyihii Gorgor

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta go’aan ka gaaray kiiska maxkamadeynta dadka loo haystay dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor Maxaadeey Suleymaan, oo ay dileen ilaalada Hotel Maa’ida Ex-Naasahablood 2, 19-kii October 2019.

Maxkamadda ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday afar nin oo ka shaqeysa Hotel Ma’ida Ex Naasahablood 2 oo ku eedeysnaa dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Colonel Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in raggaan maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan, isla markaana ugu dambeyn Maanta go’aan laga gaaray.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada ayaa go’aamisay in dilka Taliyihii hore ee Gorgor uu ahaa mid ku tala gal ah, iyadoo la soo bandhigay afartii qori ee Ilaalada heysteen iyo fooqa rasaasta lagu dilay Marxuumka iyo caddeymo kale.

Xeer-ilaalinta ayaa sheegtay in caddeynta dilka uu ula kac ahaa ay tahay in taliye Maxaadeey uu qaatay amarka askariga joogay birta hore ee Hotelka laga galo ee ahaa inuu dib u celiyo gaarigiisa kana degay, hase yeeshee rasaasta la huwiyey markaas kadib.

Guddoomiyaha Maxkamadda Colonel Shuute ayaa sheegay in xukun dil toogasho lagu riday dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim oo ah qisaasta Maxaadeey Saleebaan iyo Askarigii illaalada u ahaa ee la socda,  halka labada kale lagu xukumay min 5 Sano oo xabi Ciidan ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi inay u furan tahay qaadashada Racfaan.