SOOMAALIDA ku xayiran Nairobi oo lasoo qaadayo balse hal shuruud lagu xiray

Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa la qorsheynayaa in dadka Soomaalida ee ku xayiran magaalada Nairobi dib dalka loogu soo celiyo iyadoo safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ay shuruud ku xirtay dadka ay tikidhada u jari doonto diyaaradda Daallo.

Shuruudda kaliya ee ku xiran qofka doonaya inuu dalka dib ugu laabto waxey tahay inuu maro baaritaanka xanuunka Coronavirus, waxaana dalka dib loogu celin doonaa kaliya qofka aan qabin xanuunka.

Safaaradda waxey dadka u sheegtay iney la xiriiraan Shirkadda Daallo Airline, waana kaliya dadka goor hore is diiwaan-galiyay ee heysta daganaashaha dalka Kenya iyo sidoo kale Baasaboorka Soomaaliya.

“Qof kasta oo doonaya inuu safro waa inuu iska baaraa xanuunka Coronavirus, kaliya dadka aan qabin xanuunka ayaa la qaadi doonaa, sidoo kale waa in ugu dambeyn 17-ka May ay heystaan tikidhada, waana maalinta ugu dambeysa is diiwaan-galinta” ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi.

Dhawaan ayey aheyd markii safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya ay dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran gudaha Kenya ku wargalisay iney is diiwaan galin karaan.

Qof walba oo doonaya inuu dib ugu laabto dalka wuxuu ku qasbanaa inuu buuxiyo foom iyo shuruudo la xiriira in dalka dib loogu celiyo.