Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo ‘dilay gabar uu xiriir jaceyl la-lahaa’

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dowladda uu dil ka geystay Baardheere.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay gabar dhalinyaro ah oo ka mid aheyd dadka deegaanka, taas oo la sheegay inuu xariir kala dhexeeyey askariga dilay.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib muran xoogan oo ka dhashay mooto uu lahaa askariga oo ay uga ciyaarayeen caruur ku sugneyd halkaas, waxaana kadib rasaas uu furay la sheegay inay haleeshay gabadha geeriyootay oo meesha joogtay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu jiray is-faham waa muddooyinkii la soo dhaafay u dhexeeyey askariga wax dilay iyo Allaha u naxariistee gabdha geeriyootay.

Dhinaca kale madaxa dambi baarista ee degmada Baardheere, Cabdi Guhaad Maxamuud oo la hadlay waraahinta ayaa xaqiijiyey dhacdadaasi, wuxuuna sheegay inay haatan wadaan baariraano dheeraad ah, islamarkaana ay dib ka shaacin doonaan natiijada.

Ehellada marxuumada oo diiday in la adeegsado magaca gabadhooda ayaa dalbaday cadaalad, waxayna ku baaqeen in deg-deg maxkamad loo soo taago askarigaasi.