Guddiga kheyraadka aqalka sare oo ka horyimid qorshaha iibka shidaalka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ilyaas Cali Xasan oo ah guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee golaha aqalka sare ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray wuxuu uga soo horjeestay qorshaha dowladda ee ku aaddan iibgeynta shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan 7-ada balook ee ku kala yaalla Galmudug, Hirshabelle, K/Galbeed iyo Jubbaland.

Ilyaas oo sidoo kale ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Xsbiga Himilo Qaran ayaa warka uu soo saaray ku sheegay in xilligaan qiimaha shidaalka ee caalamka uu yahay mid aad u hooseeya, islamarkaana uu saameeyey cudurka adduunka halakeeyey ee Coronavus.

Sidoo kale Sanator Ilyaas Cali Xasan ayaa intaasi ku daray in tani ay tusaale u tahay qorshe xumada xukuumadda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Iib-geynta Shidaalka Somalia xiligaan oo uu aduunku maraayo qiimihiisa meeshii ugu xumeed oo ah yaa iga qaata iyo aduunyada oo la daalaa dhaceyso dhibatada Coronavirus ka waxay tusaale utahay qorshe xumada iyo kala sareysiinta muhiimadaha dalka xiligaan adag.” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga kheyraada ee golaha aqalka sare.

Todobada balook ee lagu soo bandhigi doono, si ay ugu tartamaan shirakadaha daneynaya ayaa waxaa la furi doonaa tartanka 4-ta bisha August ee sanadkaan,illaa  bisha Maarso ee 2021-ka, kuwaas oo horay loo baaray sanadihii 2014-kii illaa 2015-kii.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay dowladda Soomaaliya ay ku dhowaaqday inay bilowday tartanka bixinta shatiga balookyada saliidda laga baarayo ee Soomaaliya.