Ganacsade caan ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nin ganacsade ahaa oo xalay lagu dilay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa fuliyey kooxo hubeysan oo goobta isaga baxsaday, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Naaleeye, wuxuuna dilkiisu ka dhacay xaafadda Seybiyaano, degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka fulisay ay doonayeen inay marxuumka ka qaataan taleefanka, balse uu ka dhaga adeegay, iyagoona kadib toogtay.

Sidoo kale waxaa dilka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo meydka ka qaaday halkaasi, balse ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi.

Naaleeye ayaa ahaa ganacsade caan ka ahaa caasimada, wuxuuna dalka keeni jiray baabuurta oo uu sii iibin jiray.

Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya falal amaan darri oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.