29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 28, 2026

DF oo shaacisay sababta Waqooyi Bari looga reebay mashruuc malaayiin dollar ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah kasoo saartay sababta maamul goboleedka Waqooyi Bari uga maqan yahay mashruuca Bulsho oo ay ku baxayso malaayiin dollar.

Mashruucan oo uu maalgelinayo Baanka Adduunka ayaa si rasmi ah loo daah-furay maalintii shalay ayaa dhaliyay hadal-hayn xooggan kadib markii Waqooyi Bari kasoo muuqan weyday dowlad-goboleedyada ka faa’iideysanaya.

Mashruuca ayaa waxaa fulintiisa iska leh dowladaha heerarkeeda kala duwan, iyadoo wejigiisa hore oo saddex sano iyo bar ah ay ku baxayso dhaqaale dhan $35 milyan.

Wejiga 1-aad ee mashruuca ayaa waxaa la sheegay in laga fulin doono dowlad-goboleedyadii la-tashiga lala sameeyay, diyaariintisana qaybta ka ahaa oo qoondo siman oo min 5 milyan ah heli doona.

Sababta ay uga maqan tahay Waqooyi Bari

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in mashruucan uu nidaamkiisu ka horreeyay dhismaha maamulka Waqooyi Bari, isla markaana ay diyaarintiisu soo bilaabatay 2023-kii.

“Waxaa mashruuca diyaarintiisu soo bilaabatay Bishii Maajo, 2023, iyadoo kulankii ugu horreeyay la qabtay Nofeembar 2023. Waxaa la-tashiyadiisa dowlad-goboleedyada la sameeyay Bishii Maajo 2024. Kulankii ugu dambeeyay ee dhammeystirka mashruuca waxaa la qabtay Febraayo, 2025 kaasoo ka dhacay xarunta Baanka Adduunka ee Nairobi,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waqooyi Bari dhismihiisa waxaa lasoo gaba-gabeeyay 30-kii August, 2025, sida kor ku xusan diyaarinta mashruucan wuxuu ka horreeyay dhismaha dowlad-goboleedka.”

Wasaaradda ayaa sheegtay in hadda ku hawlan tahay sidii dowlad-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari ay mashruuca soo socda qayb uga noqon laheyd, halka kuwii ka horreeyay oo ay bulsho ka mid tahayna loogu soo dari lahaa.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxay daahfurtay 27th Bisha Abriil, 2026 Mashruuca Bulsho, waxay uga mahadcelinaysaa hay’adaha labada heer ee Dowladda, Baanka Adduunka, Saaxiibada Caalamiga iyo cid walba oo qayb ka ahayd in Barnaamijkan Daahfurkiisu guulaysto.

Ujeedada Horumarinta Mashruuca Bulsho waa in la xoojiyo bulshadda & hay’adaha maxalliga ah si loo adkeeyo, loona horumariyo wadajirka bulshadda, ka-qaybgalka loo dhan yahay iyo adkaysiga. Mashruucu wuxuu xoogga saaraya deegaanada fog-fog ee gaari-waaga la yiraahdo (hard-to-reach areas).

Mashruuca waxaa maalgelinaya Baanka Adduunka waxaana fulinaya Dowladaha heerarkeeda kala duwan wejigiisa hore oo saddex sano iyo bar ah waxaa ku baxaysa dhaqaale dhan $35 milyan. Wejiga 1-aad ee Mashruuca waxaa laga fulin doonaa Dowlad Goboleedyadii la-tashiga lala sameeyay, diyaariintisana qaybta ka ahaa oo qoondo siman oo min 5 Milyan ah heli doona.

Faah-faahinta heerarka diyaarinta mashruucan:

  • Waxaa mashruuca diyaarintiisu soo bilaabatay Bishii Maajo, 2023, iyadoo kulankii ugu horreeyay la qabtay Nofeembar 2023.
  • Waxaa la-tashiyadiisa Dowlad Goboleedyada la sameeyay Bishii Maajo 2024.
  • Kulankii ugu dambeeyay ee dhammeystirka Mashruuca waxaa la qabtay Febraayo, 2025 kaasoo ka dhacay xarunta Baanka Adduunka ee Nairobi.
  • Guddigga Sare ee Baanka Adduunku wuxuu ansixiyay Mashruuca 29-kii Bisha Abriil, 2025, dhaqangalka Mashruucuna waxay soo baxday 8-dii August, 2025.
  • Daahfurka Mashruucana wuxuu dhacay 27-kii Abriil, 2026.
  • Waxaa xusid mudan in Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari dhismihiisa lasoo gabagabeeyay 30-kii Agoosto, 2025, sida kor ku xusan diyaarinta Mashruucan wuxuu ka horreeyay dhismaha Dowlad Goboleedka. Sidaa darteed, waxay Wasaaraddu hadda ku hawlan tahay sidii Dowlad Goboleedka cusub ee Waqooyi Bari ay mashruucida soo socda qayb uga noqon lahaayeen, halka kuwii ka horreeyay oo ay Bulsho ka mid tahayna loogu soo dari lahaa.
- Advertisement -

Read more

Local News